Borama News Network

Muraacidka Dalka Ghana Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtooyada Ee Dalkaasi Ka Dhacday

Madaxweyne ku xigeenka Ghana Mahamudu Bawumia ayaa aqbalay in looga adkaaday doorashadii Sabtidii dhacday, waxaana uu u hambalyeeyay musharaxa mucaaradka , madaxweynihii hore John Mahama, guusha uu gaaray.

“Dadku waxay u codeeyeen isbeddel,” ayuu yiri Bawumia.

Doorashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay dalka ka jirto xaalad dhaqaale xumo tii ugu darneyd ee soo marta, taas oo keentay in qiimaha alaabaha aasaasiga ah ay kor u kacaan, iyadoo dhalinyaradu ay la daalaa dhacayaan sidii ay shaqo u heli lahaayeen, dalkuna uu awoodi waayay inuu iska bixiyo deynta lagu leeyahay.

Inkastoo Bawumia uu tanaasulay, ma jiraan natiijooyin rasmi ah oo lagu dhawaaqay.
Guddiga doorashada ayaa sheegay in natiijada dib u dhac ay ku timid kadib markii taageerayaasha labada xisbi ay caqabad ku yihiin hanaanka doorashada.

Taageerayaasha Mahama ayaa isugu soo baxay wadooyinka dalka si ay u dabaal dagaan, farxad, iyaga oo calammo lulaya, sidoo kale waddooyinka waxaa is qabsaday hoonka baabuurta iyo mootooyinka.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay guushan,” Salifu Abdul-Fatawu ayaa u sheegay BBC isagoo ku sugan bartamaha magaalada Kumasi.

Waxa uu sheegay in uu rajaynayo in ay ka dhigan tahay in isaga iyo walaalkii ay shaqo heli doonaan, halka qiimihii raashinka iyo shidaalka uu hoos u dhici doono.

“Nidaamku aad buu u xumaa sannad doorasho, sidaas darteed dadka intiisa badan kuma faraxsanayn.” ayuu raaciyay.
Bawumia waxa uu sheegay in uu hadalkiisa ku saleeyay tabobarro gudaha ah oo uu ka helay xisbiga talada haya ee New Patriotic Party (NPP).

Waxa uu sheegay in kuwani ay muujinayaan in Mahama uu ku guuleystay “si hufan”, halka mucaaradka National Democratic Congress (NDC) uu sidoo kale ku guuleystay doorashada baarlamaanka.

Mahama ayaa xaqiijiyay in Bawumia uu soo wacay si uu ugu hambalyeeyo “guusha xoogga leh”.

NDC ayaa horay u sheegtay in natiijadeeda gudaha ay muujineyso in Mahama uu ku guuleystay 56% codadkii la dhiibtay halka 41% uu helay Bawumia.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in uu aqbalayo guuldarada ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin natiijada “si looga fogaado xiisad kale, loona ilaaliyo nabadda”.

Safaaradda Mareykanka ee magaalada caasimadda ah ee Accra, ayaa Ghana ugu hambalyeysay “doorasho guul leh”.

Madaxweyne Nana Akufo-Addo ayaa xilka ka dagaya ka dib markii laba xilli uu xafiiska joogay.

Mahama, oo 65 jir ah, ayaa horay u soo hogaaminayay Ghana 2012 ilaa 2017, markaas oo lagu bedelay Akufo-Addo.

Mahama ayaa sidoo kale lumiyay doorashadii 2020, sidaa darteed guushani waxay uga dhigantahay soo laabasho cajiib ah.

Tan iyo markii ay dib ugu soo laabteen siyaasadda xisbiyada badan ee Ghana 1992, labada xisbi ee kala ah NDC iyo NPP ayaa isku badalayay xukunka dalkaas.

Mahama ayaa markii hore ee uu xilka qabtay waxaa hareeyay dhaqaale xumo, awood dhimis joogta ah iyo fadeexado musuqmaasuq.

Balse dad Ghana ayaa rajaynaya in doorashaan ay dalka waxbadan ka badali doonto.

Intii uu ololaha socday, Mahama waxa uu ballan qaaday in uu wax ka qab doono dhaqaalaha Gana, muddo kooban.

Madaxweynaha cusub ayaa la dhaarin doonaa 7da Janaayo 2025.

Related posts

Madaxwayne Putin oo mar kale digniin adag u diray Reer Galbeedka

Abdiaziz Bnnstaff

Shaqaalihii Komishanka Doorashooyinka ee Gobolka Saaxil oo la dhaariyey.

Mustafe haji

Deg Deg:- Somaliya Oo Ilaalinta Iyo Difaaca Bada Somaliyeed Ku Wareejisay Dowlada Turkiga

Abdiaziz Bnnstaff