Afghanistaan:- Haween Garsoorayaal Ka Ahaa Maxkamad Oo La Toogtay

Labo haween ah oo garsoore ka ahaa maxkamadda sare ee Afghanistaan ayaa saaka lagu toogtay magaalada Kabul, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas.

Haweenkan ayaa waxaa beegsaday rag hubeysnaa xilli ay u socdeen shaqada oo ay saarnaayeen baabuur, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay afhayeen u hadlay maxkamadda.

Waxaa haweenka lagu toogtay deegaanka Qala- Al- Fathullah oo ka tirsan caasimadda Kabul, ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Arrintan ayaa kusoo aadeysaa xilli Afghanistan ay bilihii lasoo dhaafay kusoo kordheen weerarada lagu bartilmaameedsanayo weriyeyaasha, dadka u ololeeyo xuquuqda aadanaha iyo siyaasiyiinta.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Deni:”Haddii Sharciga La Ixtiraami Waayo, Ninkasta goofkiisa Ayuu Ku Laaban”.

Bnnstaff Bnnstaff

Diyaarad Sidda Tallaalkii Labaad Ee Cudurka COVID-19 Oo Soo Gaardhay Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Warbixin Yaableh Oo Laga Diyaariyay Suuqa Madow Ee Lagu Kala Iibsado Caruurta La Soo Xaday Ee Nairobi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More