Wafti Ka Socda Qaramada Midoobay Oo La Sheegay In Ay Ku Soo Waajahanyihiin Magaalada Hargaysa

Magaalada Hargeysa ee degaannada Soomaaliland ayaa waxaa la filayaa in Maalmaha soo Aadan inay tagaan Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo Wakiilka QM ee Soomaaliya Amb, Jemis Swan.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya ujeedka Magaalada Hargeysa uu u tagayo Wakiilka Qaramada Midoobay, waxaana Warar ay heshay Risaala ay sheegayaan in uu Madaxda Soomaaliland kala hadlayo khilaafka soo kala dhex-galay si dib loogu soo celiyo wada-Shaqeyntii ka dhaxeysay.

Somaliland ayaa dhamaadkii sannadkii hore joojisay Hawlihii Qaramada Midoobay ka haysay Somaliland, ka dib markii ay Soomaliland at sheegtay in qorshaha Waxqabadka QM ee afarta sanadood ee soo socda uu waafaqsan yahay Dawladda Soomaaliya.

Wakiilka QM ee Soomaaliya Amb, Jemis Swan ayaa la filayaa in uu la kulmo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyaga oo ka wada hadli doono xalka gaarista khilaafka labada dhinac iyo dib usoo celinta wadashaqeyntii ka dhaxeysay.

Somaliland oo aaminsan inay ka Go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa dhowr jeer waxaa ay sheegtay in deeqaha uu Caalamka ugu talo galay Somaliland aysan aqbaleyn in loo soo marsiiyo Dowladda Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Diyaaradaha Faransiiska Oo Markii Ugu Horaysay Lagu Arkay Gudaha Turkiga Iyo Heshiis Dhex Maray Turkiga Iyo Qatar

Bnnstaff Bnnstaff

Wabixin:- Shirgudoonka Cusub Ee Golaha Wakiilada Somaliland Ma U Madax Banaanaan Doonaan Shaqadooda

Bnnstaff Bnnstaff

Film Qaade Safar Ku Tagay magaaladii uu Kasoo jeeday oo Waalidiintii Dhalay ay inta ay Suuxiyeen Ay Jar Jareen

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More