Nin Loo Xidhay Weerar Hubeysan Oo Uu Qaaday Isagoo Raadinayay Bisad Ka Luntay

Maxkamad ku taalla magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa dhageysatay dacwadda nin lagu eedeeyay inuu weerar hubeysan ku qaaday xarun lagu xannaaneeyo xayawaanka isagoo raadinyay bisad ka dhuntay.

Tony Wittman ayaa sida la sheegay weerar ku qaaday xarunta Isniintii isagoo qori ku qabtay haweenay ka shaqeyneysay xarunta.

Booliska ayaa sheegay in dhacdadaasi ay argagax ku ridday haweeneydaas iyo saaxibbadii la shaqeynayay.

Booliska waxay sheegeen in ninkani uu wacay xaruntaasi oo lagu magacaabo Lost Dogs’ Home Isniintii balse waxaa loo sheegay inuu suga ilaa subaxa dambe si uu u qaato bisadiisa.
Dabadeedna waxaa la sheegay inuu qabtay xarunta isagoo hubeysan kuna labbisan dhar milatari o qafilan. Haweenayda ayaa la sheegay inuu gacamaha ka xiray uguna hanjabay inuu toogan doono haddii ay tusi weydo halka lagu keydiyo bisadaha.

Xarunta ayuu dabadeena ka tagay wuxuuna dharkii uu xirna iyo hubkiiba ku aasay meel u dhaw gurigiisa.

Mr Wittman ayaa ku laabtay xarunta maalinkii Talaadada si uu bisadiisa u soo qaato. Booliska ayaa isla maalintaasi xabsiga u taxaabay wuuna qirtay weerarka uu gaystay.

Booliska ayuu u sheegay in bisaddu ay wax weyn uga dhigan tahay noloshiisa oo marar badan noloshiisa oo “qarka u saaran burbur ay gacan siisay”

Milatariga ayuu horay uga tirsanaa, waxaana shaqada looga eryay inuu xilkiisa gudan waayay.

Maxkamadda ayaa ka diiday in damiin lagu sii daaya, waxaana dhageysiga dacwadiisa lagu wada inay dib u billaabato bisha April.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dalka Jabuuti

Bnnstaff Bnnstaff

Maxaa U Sabab Ah In Militariga Masar Ay Ka Awood bataan Kuwa Turkiga? Akhriso

Bnnstaff Bnnstaff

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xiisada Ka Dhex Aloosan Dalalka Sudan Iyo Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More