Wasaaradda ciyaaraha ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa uga digtay ciyaartoyda inay adeegsadaan magacayda ciyaartoyda ajnabiga ah taa baddalkeedana ay isticmaalaan magacyo ama naaneys u gaar ah.
War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in adeegsiga magacyada ciyaartoyda ajnabiga ah ay tahay arrin “foolxumo ku ah nidaamka ciyaaraha iyo jiritaanka qofka ciyaartoyga ah”