Borama News Network

Hay’adda Amnesty “Israa’iil waxa ay Gaza ka gaysatay Xasuuq daran”

Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in Ciidanka Israa’iil ay Xasuuq ka dhan ah Bani aadamnimada ka dhan ah ka gaysteen Magaalada Gaza sida ku xusan diiwaanka ay kaydka geliyeen.

Amnesty International ayaa sheegtay in Maxkamad laga tiigsan doonno Madaxda iyo Saraakiisha Israa’iil ee ka dambeysa xasuuqaan, waxa ay ka digteen sii socoshada dhibaatooyinka ka dhanka ah Shacabka Falastiin.

Xoghayaha guud ee Amnesty International Haweeneyda lagu magacaabo Agnes Callamard ayaa sheegtay in diiwaanka xasuuqa caalamiga ah ee dhacay kuna jira kaydka Qaramada Midoobay in la geliyo kiiskaan sida ay hadalka u dhigtay.

Anges ayaa tilmaamtay in xitaa xubno katirsan Howlwadeennada Caafimaadka iyo wakiillo ka kala socda Hay’adaha gargaarka & kuwa Xuquuqda Aadanaha ka shaqeeya ay dileen Ciidanka Israa’iil, dhaawaceen, dhibaateeyeen sidoo kalena ku xadgudbeen.

Maxkamadda Dambiyada Dagaalka ee Qaramada Midoobay loona soo gaabiyo ICC ayaa warqad lagu soo xirayo u jartay Wasiirkii hore Gaashaandhigga Israa’iil, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo saraakiil kale.

Related posts

Safiirrada Beesha Caalamka oo Tartameyaasha ugu baaqay in ay Natiijada Aqbalaan

Abdiaziz Bnnstaff

Xukuumada Somaliland Ee Xilka Ka Sii Degaysa Oo Go’aamo Culus Ka Soo Saartay Xaada Guud Ee Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Kormeer Ka Tegay Isbitaalka Guud Ee Magaalada Hargeysa Iyo Waxyaabaha Uu Kala Soo Kulmay

Abdiaziz Bnnstaff