Borama News Network

Maxaa Kasoo Baxay Shirka Ururka IGAD Uu Ku Yeeshay Xadgudubka Itoobiya Ku Samaysay Soomaaliya?

Urur Goboleedka IGAD oo madaxdoodu kulan gaar ah ku qaadatay Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda ayaa garab istaag u muujiyay ilaalinta madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo in looga dambeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Saddex qodob oo kulankaan laga soosaaray ayaa lagu muujiyay in IGAD ay ka go’an tahay adkaynta mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira ilaalinta madaxbannaanida Jamhuuriyadda & wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Qodobadaan ayaa kasoo baxay:

1-Ururka waxa uu aad uga walaacsannahay is-bedellada cusub ee ku yimid xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2-IGAD waxa ay si adag u xaqiijineysa mabda’ lama dhaafaanka ee ilaalinta iyo dhowrista madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; iyo in macaamil kasta uu ilaaliyo mabaadii’da asaasiga ah ee kor ku xusan, iyo in heshiis iyo wadaxaajood kasta ay ku dhacaan ogolaanshaha Dawladda Federaalka Soomaaliya.

3-Waxaan ugu baaqeyna Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in ay qaboojiyaan xiisadda, beddelkeedana ay yeeshaan wada hadal wax ku ool ah.

Shirka IGAD waxaa dalbatay Jamhuuriyadda Jabuuti oo shir-guddoon haatan ah waxaana martigeliyay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni iyada oo ay ka qaybgaleen madaxda dalalka xubnaha ka ah Ururkaan.

Related posts

Xisbiga Wadani Oo Digniin Ka Soo Saaray Shar Ay Borama Ku Qabanayaan Gudiga Ururada Siyaasadu Fariin Culusna Diray

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka Iyo Sucuudiga Oo Ka Wadahadlaya Xaalada Dagaal Ee Magaalada Qaza

Abdiaziz Bnnstaff

Deg Deg:- Madaxwayne Muuse Biixi Oo Itoobiya U soo Sexeexay Deked Iyo Saldhig Milatari

Abdiaziz Bnnstaff