Xasan Cali Khyre Oo Kulan Xasaasiya La Qaatay Madaxwayne Qoor Qoor Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kulan gaar ah Magaalada Muqdisho kula qaatay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Kulanka dhexmaray Kheyre iyo Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa inta uu socday looga Arrimaha Doorashada dalka ee 202/2021, kaalinta ay Galmudug ku leedahay howlaha socda iyo Arrimo kale oo ku aadan Maamulka.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka oo qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in kulan uu la qaatay Madaxweynaha Galmudug uu ahaa mid miro dhal ah, isla markaana ay sidoo kalena isla eegeen howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay.

“Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Ahmed Abdi Kaarie Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada & kaalinta Galmudug, sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Tan iyo markii uu shaaciyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Kheyre in uu yahay Musharax Madaxweynaha xilka Soomaaliya ayaa waxaa uu Muqdisho ka bilaabay kulamo siyaasadeed, isagoo la kumay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Jawaari iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Warbixin Laga Diyaariyay Wiilkii Bajaajlaha Ahaa Ee Jigjiga Lacagta Ugu Celiyay Hooyadii Lahayd

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo Soo Saaray Warbixin Ku Saabsan Dilkii Wariye Jamaal Khashoqji

Bnnstaff Bnnstaff

Xasan Sheekh :- “Markaan Heshiis La Gaadhnay Rooble Een Balanay Ayuu Farmaajo Wiifto Soo Tuuray”

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More