Borama News Network

Maxaa kasoo baxay Shirka Wasiirrada Howlaha guud ee Jaamacadda Carabta?

Dalka Aljeeriya waxaa ka dhacay Shir u dhaxeeyay Wasiirrada Howlaha guud ee Dalalka xubnaha ka ah Ururkaan, Soomaaliya waxaa ku metalay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howla guud, dib u dhiska iyo Guriyeynta ee XFS Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd).

Meertada 8aad kalfadhiga 41aad ee shirka Wasiirrada Howlaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa diiradd lagu saaray Dib u dhiska Waddamada soo koraya oo ay kamid tahay Soomaaliya sida lagu sheegay warmurtiyeedka gunaanadkii lasoo saaray.

Sanadkaan waxaa marti ku noqday Wasiirka Howlaha guud ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha oo qudhiisa ballanqaaday in Dowladdiisa ay gacan ka geysaneyso ajandaha lagu heshiiyay sida uu hadalka u dhigay.

Soomaaliya ayaa xubin ka ah Ururka ku bahoobay Jaamacadda Carabta kuwaas oo kulamo kala duwan ku qaata Dalalka kala duwan ee u badan Kuwa dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika, waxa ay si joogta uga qaybgashaa shirarka heerarkoodu kala duwan yahay.

Related posts

Isbadal Lagu Sameenayo Magaca Loogu Yeedho Madaxda Ugu Sareysa Maamul Goboleedyada Dalka Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Maleeshiyo beeleed ku dagaalamay Degmada Xarfo oo gubay Ceelkii biyaha ay ka cabayeen!

Abdiaziz Bnnstaff

“Madaxweynuhu Waxa uu Dunida ka Iibiyay Qadiyada Somaliland ” Dadweynaha Burco

Abdiaziz Bnnstaff