Dad Muhaajiriin Oo Ay Soomaali Kujirto Oo Lagu Daadiyay Xeebaha Dalka Giriiga

Booliska dekedda jasiiradda Giriigga ee Lesvos ee ku taal badda Aegean, ayaa soo badbaadiyay 27qof oo muhaajiriin ah kadib markii doontii ay kaga yimaadeen Turkiga laga daadiyay.

Midka mid ah muhaajiriinta ayaa dhintay markii doon ka timid Turkiga ay ku daadisay koox ka kooban 27 qof xeebta fog ee jasiiradda Lesvos subaxnimadii hore ee Talaadada maanta.
Qofka dhintay waxaa la sheegay inuu ahaa qof Soomaali ah oo la sheegay inuu u geeriyooday qabowga daran awgiis.

Muhaajiriinta oo badankood ay ahaayeen Soomaali ayaa kasoo shiraacday xeebaha Turkiga kahor inta aysan tegin xeebaha bariga Lesvos, halkaas oo ay xalay ku hoydeen, sida uu sheegay sarkaal booliska dekedda.

Jasiiraddaha Griiga ee bariga Aegean Sea, oo ay ku jiraan Lesvos, waa mid ka mid ah marinnada laga galo Yurub ee ay adeegsadaan dadka ka soo cararaya dagaallada iyo saboolnimada ku haysata wadamadooda.
Sida laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah, xaalad qabow ayaa ka jirtay Lesvos habeenkii iyo aroortii hore ee maanta.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowladda Itoobiya Oo Wacad Ku Martay Inay Ka Adkaaneyso Jabhadda Tigray

Bnnstaff Bnnstaff

Dab Xoogan Oo Ka Kacay Mid Ka Mid Ah Jaamacada Ugu Waawayn Ee Africa Ee Dalka Uganda

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Saajin Oo Si Adag Ugu Jawaabay Masuuliyiinta Xisbiyada Macaaridka Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More