Dowlada Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Duqayn Ka Dhacday Gobolka Shabeelaha Hoose

Duqeynta oo aheyd mid diyaaradeed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay ka dhacday goob 20-km Waqooyi Bari kaga beegan Deegaanka Goobaanle, ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa u sheegay Idaacadda Codka Ciidmada Qalabka sida in duqeynta lagu dilay laba Sarkaal oo kamid ahaa Saraakiisha Sar sare ee Al-Shabaab.
Magacayada Saraakiisha duqeynta lagu dilay ayay Saraakiisha Ciidamada Dowladda ku sheegeen, Sheekh Cabdi Gaab oo ahaa Sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa Maxkamadda,Wanlaweyn, Beled Amiin, Goobaanle iyo Tuulooyinka ku xeeran.

Sidoo kale duqeynta ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay Macalin Bilaal, oo ahaa Madaxii Wacyigelinta Deegaanada Leego, Beled amiin, Goobaanle iyo Buur Heybe.

Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin warkaan kasoo yeeray dowladda Soomaaliya, waxaana Mareykanka todobaadkaan uu kordhiyay duqeymaha lala beegsanayo Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xukuumada Muuse Biixi Oo Bulshada Ugu Digtay Roobab Mahiigaan Ah Oo La Filyo In Ay Ka Da’aan Somaliland

Ruushka Oo U Hanjabaad Culus U Diray Dowladda Netherlands Iyo Sababta

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidamo Ajaanib Ah Oo La Sheegay İn Ay Ka Soo Degeen Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho İyo Dalka Ay Ka Socdaan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More