Borama News Network

Hogaamiyaha Suuriya oo BBC-da uga warramay khatarta Suuriya ee caalamka iyo reer Galbeedka

Hogaamiyaha dalka Suuriya, Axmed Al-Sharaa, ayaa sheegay in dalka uu uu daashaday dagaal, isla markaana aanu khatar ku ahayn dalalka deriska la ah iyo reer Galbeedka.

Wareysi uu siiyay BBC-da, xili uu ku sugnaa magaalada Dimishiq, ayaa waxaa uu ku baaqay in la qaado cunaqabateynta saaran Suuriya.

“Hadda, kadib wixii dhacay, cunaqabateynta waa qasab in la qaadaa sababtoo ah waxaa la soo rogay xiligii ay jirtay dowladdii hore. Dhibbanaha iyo dulmiyaha si siman loo lama dhaqmi karo,” ayuu yiri.

Sharaa ayaa hoggaamiyey weerarkii degdegga ahaa ee lagu riday madaxweynihii hore ee dalkaas, Bashar al-Asad wax ka yar laba toddobaad ka hor. Waa hoggaamiyaha ururka Hay’at Tahrir al-Sham (HTS), oo ah kooxda ugu awoodda badan ee xoogagga mucaaradka waxaana hore loo yaqaannay Abu Maxamed al-Jolani.

Wuxuu sheegay in HTS ay tahay in laga saaro liiska ururrada argagixisada. HTS waxaa liiska argagaxisada ku daray Qaramada Midoobay, Mareykanka, Midowga Yurub, UK, iyo dalal kale oo badan, maadaama uu ku bilowday koox ka go’day Al-Qaacida, sanadkii 2016-kii.

Sharaa ayaa sheegay in HTS uusan ahayn urur argagixiso.

Wuxuu sheegay in aysan bartilmaameedsan dad rayid ah ama goobaha ay degganyihiin dadka rayidka ah.

Related posts

Kulmiye Xukuumadiisu Way Sii Dumaysaa ” Siyaasi Cabdiqani Gadhka

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidanka Israaiil oo Magaalada Gaza ku dilay ugu yaraan 42 oo u badan Haween Iyo Carruur

Abdiaziz Bnnstaff

Wadamada Afrikan Ah Oo Dirisaday Dayaxgacmeedyo Aad Ufarabadan Iyo Sabaha Ay Direen Oo La Ogaaday

Abdiaziz Bnnstaff