Borama News Network

Turkiga oo khalad wayn ku tilmaamay hadal dhawaan ka soo yeeray Donald Trump

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa beeniyay hadalka madaxweynaha cusub ee Mareykanka, Donald Trump, ee ahaa in Turkiga afgambi aan dhiig ku daadan kula wareegay Awoodda Suuriya.

Khudbad uu jeediyay Trump ayuu ku sheegay in Turkiga aad u caqli badan yahay, isla markaana isaga oo dad badan uga dhiman Suuriya uu hadda hayo furaha dalkaasi.

Hadalkaasi ayaa waxaa khalad wayn ku tilmaamay Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, isaga oo sheegay in Isbadalka ka dhacay Suuriya ay mas’uul ka yihiin shacabka Suuriya, isla markaasna uu yahay rabitaankooda.

Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in Turkiga uusan doonaynin in loo arko inuu yahay cida ay ka go’do talada dalka Suuriya, isagoo tilmaamaya in dhaqanka xukunka ee dalkaas uu sabab u noqday in meesha laga saaro Bishaar Alasad.

Sidoo kale, wasiirka ayaa tilmaamay in markasta ay ixtiraamayaan Madaxbannaanida iyo midnimada Suuriya.

Related posts

In Ka Badan 20 Sano Oo Uu Raadinayay Gabadh Uu Guursado, Ugu Danbayn Wuu Helay

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiga Mucaaridka Ee Ucid Oo Ganafka Ku Dhiftay Qorshe Ay Wadaan Gudiga Koomishanka Doorashooyinka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Dad caraysan oo Saldhig Booliis ku dhex dilay Nin ku eedaysan in uu Lo’ xaday

Abdiaziz Bnnstaff