Borama News Network

Raysal Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu Oo Qaatay Go’aan Sii Kicinaya Falastiiniyiinta.

Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu ayaa qaatay go’aan qaraar oo muddo u qarsanaa Xukuumaddiisa oo ah in ay si cad u diidan yihiin Dowlad Falastiin leedahay oo ka Talisa Dhulka ay xoogga uga haystaan Shacabkaas.

Netanyahu ayaa Maraykanka ku wargeliyay in uusan aqbali doonin hadallo in muddo ah ay wadeen waddamo Carbeed iyo kuwo reer Galbeed ah oo Luuqad jilcan kula hadlay Yuhuudda oo ah in ay doonayaan Dowlad dhinac taalla Israaiil oo Falastiin leedahay.

Benjamin Netanyahu oo aad uga carooday dhiig-baxa xooggan ee kusoo gaaray dagaalka uu libinta ka waayay ee dhulka Falastiin uu ku qaaday 7dii Oktoobar 2023 ayaa markaan jiho kale waxa uu u diray hadal haynta ka taagan bariga dhexe.

Ninkaan culayska dhinacyada kala duwan ka haysta isla markaana ay farqaha uga dhegan yihiin Mucaaradkiisa, ehelka Maxaabiista Xamaas gacanta ugu jira, Maxkamadaha laga furay kiisaska Musuqa & cadaadiska ay saarayaan ciidanka ku dhibaataysan furimaha ayaa raadinaya qorshe uu culayskaas isaga dejiyo.

Wixii ka dambeeyay weerarkii 7dii Oktoobar 2023 ay Xamaas ku beegsatay Xeryaha Yuhuudda ay muddo ku faanaysay in aanay loo gudbi Karin waxaa qalqal uu galay Xukuumadda Benjamin Netanyahu oo lacag xad-dhaaf ah kusoo iibsatay hub aanay u suuragelin sidii ay rabtay.

Related posts

Khatar Caafimaad Oo Culus Oo Ku Soo Fool Leh Dadka La Nool Xanuunka Macaanka Oo Laga Digay

Abdiaziz Bnnstaff

Maayirkii Degmada Sallaxlay Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Maayir Cusub Oo Ay Golaha Deegaanku Doorteen

Abdiaziz Bnnstaff

Talyihii hore ee ciidanka Booliska oo ka mid noqday Wasiirrada cusub ee maamulka SSC-Khaatumo

Abdiaziz Bnnstaff