Borama News Network

Ku dhawaad 43,000 qof oo ku barokacay shaqaaqooyinka magaalada Ceerigaabo

Rabshadaha sii kordhaya ee magaalada Ceerigaabo ayaa barakiciyay ku dhawaad 43,000 oo qof, taasoo ka dhigtay inay dadkan si degdeg ah ugu baahan yihiin cunto, hoy, biyo, fayadhowr, iyo adeegyada caafimaadka ee aasaasiga ah.

Rabshadahan oo soo shaac baxay 14-kii bishan December ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ku jiraan carruur ku dhaawacmay madaafiicda la isku adeegsanayo, waxaana hakad galay howlihii samafalka, dhaq dhaqaaqii ganacsiga iyo iskuuladii magaalada.

Xaalad degenaansho la’aan ah ayaa haatan laga soo sheegayaa Ceerigaabo tan iyo 16-kii December, ka dib markii ay isaga baxeen mid ka mid ah dhinacyadii ku dagaalamayay halkaaas.

Si kastaba ha ahaatee, xiisadda ayaa weli taagan, ciidamada magaalada la wareegay iyo dad shacab ah oo caraysan ayaa lasoo sheegayaa inay bililiqo ka geysteen xaafadaha laga barakacay.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA) ayaa sheegay in qoysaska barokacay ay u baahan yihiin taageero bini’aadantinimo oo dhammaystiran, oo ay ku jiraan hoy, biyo nadiif ah, cunto, iyo daryeel caafimaad.

OCHA waxay sidoo kale walaac xooggan ka muujisay sii socoshada carqaladaha ka taagan Ceerigaabo

Related posts

Labo Wiil Oo Walaalo Ah Oo 12 Il Bidhiqsi Oo Kaliya Ku Dhacay Lacag Dhan 25 Milyan Oo Dolar Iyo Sida Ay Ugu Suuro Gashay

Abdiaziz Bnnstaff

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xiisada Dowada Somaliya Iyo Jubaland Iyo Ciidankii Ugu Badnaa Ee La Gaynayo Raaskanbooni

Abdiaziz Bnnstaff

24 Qof Ku Dhintay Qarax Dhacay Dalka Pakistan Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Qaraxaasi

Abdiaziz Bnnstaff