Masar:-Haweenay Lagu Soo Eedeeyay In Ay Samaysatay Dalool Anshax Xumo Ah Oo Xabsiga La Dhigay

Haweeney u dhalatay dalka Masar ayaa la xiray kaddib markii lagu eedeeyay inay sameysay ‘Doolsho’ anshax xumo ah, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Doolshaha ayaa la sheegay in loo ekeysiiyay xubinta taranka, waxaana doolshaha lagu martiqaaday dad ka qeybgalayay xaflad ka dhacday magaalada Al Qaahira.

Kaddib markii sawirka doolshaha uu qabsaday baraha bulshada, waxaan durbadiiba la xiray haweeneydii soo diyaarisay, markii dambena waxaa lagu sii daayay damaanad lacageed oo gaareyso $319 oo doolar.
Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegayaa in dadkii ka qeybgalay xafladdaas ay wajahi karaan tallaabo dhanka sharciga ah.

Xarunta Daarul Iftaa ayaa ku tilmaantay in diinta Islaamka aysan ogoleyn in la sameeyo doolsho noocaasi oo kale ah.

“Tallaabadaas waa arrin weerar ku ah qiyamka iyo dhaqanka bulshada”

Wasaaradda dhalinyarada Masar ayaa lagu soo warramayaa inay raadineyso naadigii soo qabanqaabiyay xafladda qarsoodiga aheyd ee lagu soo bandhigay doolshahan.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

” Ciidanka Laascaanood Hadii Laga Saaro Ma Gurigaaga La Keenayaa…” Af-hayeen Buuni Oo U Jawaabay Xisbiga Wadani.

Bnnstaff Bnnstaff

Xulka Qaranka Somalia Ee 17-Sanno Jirada Oo Ku Guuleystay Koobka Bariga Iyo Bartmaha Ee Cecafa

Bnnstaff Bnnstaff

Guddomiyaha Golaha Shacabka Oo Kulan La Qaatay Danjiraha Cusub Ee Imaaraadka Carabta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More