Borama News Network

Raysal Wasaare Xamse Oo Isku Shaandheyn Iyo Magacaabis Ku Sameeyay Golaha Wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa magacaabis iyo isku-shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada dalka.

Wareegto uu soo saaray ra’iisul wasaaraha ayaa Daahir Shire Maxamed, loogu magacaabay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa isku beddalay Wasiirradii Wasaaradaha, Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Wasiir Khadiijo Al-maqsuumi, ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka, halka Bashiir Maxamed Jaamac ( Bashiir Goobbe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Sidoo kale, waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu wareegtadiisa ku magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, Mudane Cismaan Axmed Macoow.

 

Related posts

Saajin Waxa Uu Murashaxnimada Waxa Uu Ku Helay Saamigii Gobolka Oo Dhabarka Ka Jabiyay Iyo Celintii Ugaaska

Abdiaziz Bnnstaff

Mayotte: Maxaan ka naqaannaa jasiiradda Soomaalida badan lacagta looga cunay?

Abdiaziz Bnnstaff

Kenya oo wax ka baddashay cunshuur-kordhinta kaddib marki ay shacabka caroodeen

Abdiaziz Bnnstaff