Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay Qaraxyo shalay lagu weeraray Suuq ku yaalla bartamaha Magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq, waxaana qaraxyadaasi si gaar ah loola beegsaday suuq bulsho oo lagu iibiyo dharka celiska ah oo ku yaalla fagaaraha duulimaadka ee bartmaha Caasimadda Ciraaq ee Baqdaad.
Waxaana Qaraxaasi ku ku geeriyooday dad shacab ah, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in tirada dadka ku dhintay weerarkaasi ay sii korortay.
“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa labo is-qarxin argagaxiso fulaynimo leh oo lala beegsaday maanta suuq bulsho oo lagu iibiyo dharka celiska ah oo ku yaalla fagaaraha duulimaadka ee bartmaha Caasimadda Ciraaq ee Bagdaad, oo sababay geerida iyo dhaawaca dad rayid ah oo aan waxba galabsan.Soomaaliya oo xanuunka iyo murugada la qeybsanaysa Dowladda iyo Dadka Ciraaq ayaa waxa ay markale ku celinaysaa inay ku garab taaggantahay walaalaha Ciraaq dadaalka ay ku doonayaan in ay ku sugaan nabadda iyo deganaanshaha, ugana hortagaan nooc kasta oo argagaxiso iyo xagjirnimo, waxayna muujineysaa inay ka damqanayso dhibtaasi, uguna tacsiyeynayso qoysaska dhibbanayaasha, iyadoo u rajeynaysa dadka ku dhaawacmay soo kabasho degdeg ah” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Dolwadda Soomaaliya.