In ka badan 1,500 oo maxbuus ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla Mozambique, iyagoo ka faa’ideysanaya qalalaasaha siyaasadeed ee weli socda ee ka dhashay natiijada doorashada lagu muransan yahay, sida ay booliisku sheegeen.
Soddon iyo saddex qof ayaa ku dhintay 15 kalena way ku dhaawacmeen iska horimaad dhex maray ciidamada iyo dibadbaxayaasha, sida uu shir jaraa’id ku sheegay taliyaha booliiska oo lagu magacaabo Bernardino Rafael.
Qiyaastii in ka badan 150 qof oo maxaabiis ah ayaa dib loo qabtay, ayuu raaciyey hadalkiisa.
Mudaaharaadyo ayaa dhacay Isniintii iyagoo ka jawaabaya maxkamadda ugu sarreysa Mozambique oo xaqiijinaysay in xisbiga Frelimo ee talada haya tan iyo 1975-tii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee bishii Oktoobar dhacday.Mr Rafael waxa uu sheegay in kooxo mudaaharaadayaal ah oo ka soo horjeeda dawladda ay Arbacadii ku soo dhawaadeen xabsiga caasimadda Maputo. “Maxaabiista ayaa qalalaasaha uga faa’iidaystay in ay gidaar dumiyaan oo ay baxsadaan”, ayuu yiri.
Mozambique waxaa ruxay rabshado tan iyo doorashadii lagu murmay ee bishii Oktoobar. Natiijooyinka rasmiga ah ayaa muujinayay in musharraxa madaxweynaha Frelimo ee talada haya, Daniel Chapo uu ku guuleystay.
Mudaaharaadyo cusub ayaa qarxay Isniintii, markii maxkamadda dastuuriga ah ay xukuntay in Chapo uu ku guuleystay doorashadii dhacday.
Natiijadii ugu horreysay ee bishii Oktoobar waxay sheegeysay in Daniel Chapo uu helay 71% codadkii la dhiibtay halka ninka ay tartamayeen ee VenĂ¢ncio Mondlane uu helay 20%. Maxkamada ayaa hadda xukuntay in uu ku guulaystay 65% halka Mondlane uu helay 24%.
Weriye ka tirsan BBC-da ayaa soo sheegaya in Maputo ay tahay magaalo dansan xilli lagu jiro dabaaldagyada dadka masiixiyiinta ah, iyadoo ku dhawaad dhammaan meheradaha la xiray, dadkuna ay guryahooda joogaan si looga fogaado rabshadihii ugu xumaa ee magaalada ka dhaca tan iyo markii xisbiga Frelimo uu xukunka la wareegay sanadkii 1975-tii.
Xafiisyada Frelimo, saldhigyada booliiska, bangiyada iyo warshadaha ayaa la bililiqaystay, la burburiyay, laguna gubay dalka oo dhan. Tan iyo Isniintii, ugu yaraan 21 qof ayaa lagu dilay qalalaasaha, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi.
Mondlane, oo Mozambique ka cararay , ayaa taageerayaashiisa ugu baaqayay in ay sameeyaan mudaaharaad ay kaga soo horjeedaan wax uu ku sheegay codbixin la musuqmaasuqay.
Farriin uu soo dhigay bartiisa bulshda dhawaan ayuu ku sheegay inuu dhici karo “kacdoon dadweyne oo cusub” hadii aan natiijada la joojin.
Ilaa 150 qof ayaa ku dhintay mudaaharaadyo socday saddex bilood tan iyo doorashadii.
Dalka Mozambique waxaa ku nool ajaanib badan oo Soomaali ay ka mid tahay kuwaas oo halkaa ku haysta ganacsiyo kala duwan.
Sida wararku sheegayaan dadka xaruumahooda loo dhacay oo hantidoodii la qaatay intii ay rabshaduhu socdeen waxaa ka mid ah ganacsto Soomaali ah oo ku nool magaalooyinka iyo tuulooyinka dalkaas sida Maputo oo ah caasimadda iyo magaalada kale ee Nampula.
Sidoo kale waxaa lagu dhaawacay nin Soomaali ah oo dalka Malawi loo qaaday dhaawiciisa sida xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ay BBC-da u sheegeen.
Maxamuud Cabdulqaadir Jaamac waxaa uu ka mid yahay ganacsatada ku nool magaalada Nampula, waxaana uu ka mid noqday ganacsato baqaarro ay lahaayeen la jabsaday oo laga qaatay wixii yaallay.
“Alaab tiro badan oo Kunteenar ilaa kunteenar iyo bar alaabtood ayay naga qaateen,” ayuu yiri Maxamuud Cabdulqaadir Jaamac.
“Baqaar kale oo igu dhaganna waxay ka qaateen alaab kale, alaab aan hadda xisaabinay maaha waa alaab aad u badan oo bagaash ah,” ayuu raaciyay hadalkiisa Maxamuud.
Maxamuud Cabdulqaadir Jaamac oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in Soomaali badan dhac loo gaystay kuwaas oo ganacsiyo ku leh suuqyo kala duwan.
“Soomaali aad u tira badan dukaamadooda ayaa la boobay oo suuqyo badan oo kala duwan ku yaalla,” ayuu yiri Maxamuud.
Sakariye Maxamed Maxamuud oo isna ka mid ah Soomaalida ku nool caasimadda dalka Mozambique ee Maputo ayaa sheegay in kaalimo shidaal oo ganacsato Soomaali ah ay leeyihiin la dhacay.
“Shirkad aan u shaqeynayay oo shidaal ayaa dukaankeeda la galay oo alaab laga daldashay, dhibaatadu qudheenna waa na soo gaartay”, ayuu yiri Sakariye.
Guud ahaan ajaanibta ku nool dalkaasi oo Soomaalidu ay ka mid tahay ayaa muujinaya cabsi ku saabsan in dhibaato badan loo gaysto haddii rabshaduhu ay sii socdaan.