Borama News Network

Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya oo sheegay in aan Itoobiya loo ogolaan soo galida Badda Cas

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay warar saacadihii la soo dhaafay soo baxayay oo la xiriiray in Itoobiya loo ogolaaday soo galida Badda Cas.

Qoraal kooban oo uu soo saaray Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladda wararkaasi ay been abuur yihiin, isla markaasna aysan rasmi ahayn.

“Waxaan si cad u beeninayaa wararka sheegaya in Itoobiya loo ogolaaday soo galida Badda Cas. Wararkaasi waxba kama jiraan wax sal iyo raad ahna malahan” ayuu yiri Mudane Fiqi.

Isaga oo sii hadlaya ayaa waxaa uu sheegay in markasta ay ilaalinayaan Madaxbannaanida dalka iyo danaha guud ee Qaranka.

“Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta madax-banaanideeda iyo xaqiijinta danaha qaranka” ayuu yiri Wasiir Fiqi

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu faafinayay warar la xiriira in Itoobiya si buuxda loogu oggolaaday in ay gasho Badda Cas. Itoobiya ayaa ah dal aan wax bad laheyn, muddo dheerna baadi goobayay bad ay hilaan.

Related posts

Dad caraysan oo Saldhig Booliis ku dhex dilay Nin ku eedaysan in uu Lo’ xaday

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynaha Hawl Culus Baa U Taala Ilaahayna Waxaan Uga Baryayaa In Uu Xilka U Fududeeyo” Madaxwayne Daahir Rayaale

Abdiaziz Bnnstaff

Waa Sharci Daro Dacwada Lagu Soo Eedeeyay Maxamed Abiib” Gudoomiyaha Gudiga Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Cambe

Abdiaziz Bnnstaff