Madaxwayne Joe Biden Oo Dib u Eegis Ku Samaynaya Heshiiskii Uu Trump La Galay Taliban

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay inuu dib u eegayo heshiiskii uu m/werynihii hore Donald Trump uu la galay ururka hubeysan ee ka dagaalama dalka Taliban.

La taliyaha dhanka amaanka ee m/weyne Biden ayaa sheegay in m/weynuhu uu hadda dib u eegis ku samaynayo heshiikii lala galay ururka Taliban.

Waxyaabaha sida gaarka ah loo eegayo waxaa ka mid ah waxyaabaha heshiiskaas ka dhaqan galay iyo in ururku fuliyay heshiiskii xabad joojinta ahaa.

La taliyahaan u hadlay m/weynaha Maraykanka waxaa uu sheegay inay guddi baara u saarayaan weeraro ka dhacay Afghanistan 2 bilood ee lasoo dhaafay kuwaasoo la tuhmayo inay Talibaaniyiintu ku lug leeyihiin.

Wakiilo ka kala socday Maraykanka iyo Taliban ayaa sanadkii hore wada gaaray heshiis xabad joojin ah kaasoo dhabaha u xaarayay qorshaha Maraykanku ciidamadiisa kala baxayo Afghanistan.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Waraysi:- Biyo Xidheenka Wabiga Shabeele Ee Baladwayn Iyo Halka Uu Marayo

Bnnstaff Bnnstaff

Maxkamadda Ciidamada Iyo Taliska Booliska Oo War Kasoo Saaray Dilal Ka Dhacay Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo Ku Dhawaaqay In Shiinuhu Isku Diyaarinayo Dagaal Wayne Digniin Culusna Soo Saaray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More