Borama News Network

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay colaadaha ka aloosan deegaannada Soomaaliyeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u- heshisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa wasaxaafadeed ka soo saartay  colaadaha ka aloosan deegaannada Soomaaliyeed,  taas oo muuddooyinkii u dambeeyay beelo walaala ah ku dirirayeen.

Wasaaradda Aarrimaha gudaha, ayaa runtii ku tilmaamatay colaadahaas in ay yihiin kuwa ka baxsan shareecada Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka.

Sidoo kale, Wasaaraddu ayaa waxa ay ku baaqday in la joojiyo colaadaha, beegsiga iyo barakicinta shacabka ee sababtay khasaaraha lixaadka leh ee iskugu jira dhimasho, dhawac iyo barakac.

“Wasaaraddu waxay ugu baaqeysaa Maamullada, Odayaasha dhaqanka, Culimada, Haweenka iyo guud ahaan waxgaradka shacabka Soomaaliyeed inay u istaagaan joojinta colaadaha, kana shaqeeyaan Xasilloonida iyo sidii nabad waarta loo heli lahaa.” Ayaa lagu yiri, warsaxaafadeedka.

Muddooyinkii u dambeeyay deegaannada Soomaaliyeed, waxaa ka taagnaa colaado salka ku haayo reero ama beelo walaala ah oo wada dega, iyada oo ka dhashay khasaari isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo barakac dadweyne.

Related posts

Reer Awdal Qado Iyo Bariis Ugana Baahna Xukuumada Ee Waxqabad Ayay U Baahanyihiin” Afhayeenka Xisbiga Wadani

Abdiaziz Bnnstaff

Trump oo ku soo laabtay ololaha doorashada, kaddib isku daygi dil ee uu ka badbaaday

Abdiaziz Bnnstaff

“Xisbiga Waddani Siyaasadiisa Waxa Ka Mid Ah In Dib Loo Furo Wada Hadalada…” Xildhibaan Timo Jilic .

Abdiaziz Bnnstaff