Borama News Network

Wafti Sare Oo Ka Socda Dowlada Itoobiya Oo Gaadhay Magaalada Muqdisho Iyo Ujeedada Socdaalka Waftigaasi

Waxaa magaalada Muqdisho soo gaarey mas’uuliyiin ka socda dowladda Itoobiya, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin Wasiirka Difaaca, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Mas’uuliyiin kale.

Xubnahan ayaa Madaxda Dowladda Federaalka kala hadli doona joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya, xilli uu billaawday howlgalka AUSSOM.

Dowladda Itoobiya ayaa ku dadaaleysa in ciidamadeeda ay sii joogaan gudaha Soomaaliya, si ay uga mid noqoto howlgalka AUSSOM.

Itoobiya ayaa ku andacooneysa in joogitaanka Soomaaliya ay xaduudka ka difaacdo weeraro uga yimaada Kooxda ka dagaalanta Somaaliya.

Safarka Wafdigaan ay magaalada Muqdisho ku yimaadeen ayaa ku soo aadaya xilli hore dowladda Soomaaliya ay Itoobiya kaga reebtay howlgalka AUSSOM.

Related posts

Shacabka Xaafada Goljano Oo Ku Mudaharaaday Maayirka Magaalada Hargeysa Sheegayna In Hargeysa Ay Maayir Cusub U Baahantahay

Abdiaziz Bnnstaff

Cali Jeyte: “Ciidanka Baladweyne Xalay Soo Weeraray Jowhar Ayey Ka Soo Baxeen, Halkaas oo…..

Abdiaziz Bnnstaff

Diyaaradii Ugu Horeysay Ee Ay Soomaali Leedahay, Calanka Baluugga Ahna Lagu Xardhay Oo Muqdisho Lagu Soo Bandhigay

Abdiaziz Bnnstaff