Madaxweyne Qoorqoor Iyo Wakiilka Qaramada Midoobay Oo Kulan U Socda Iyo Ujeedada Kulankaasi

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Xarunta Madaxtooyada Dhuusamareeb kulan kula leh Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan oo gaaray halkaas.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashada dhacaya 2021 oo weli muranka uu ka taagan yahay iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka jira, wallow ay socdaan dadaalo kala duwan.
Sidoo kale kulanka u dhexeeyay Madaxweyne Qoorqoor iyo Wakiilka Qaramada James Swan ayaa looga hadlayaa xaaladda deegaanada Galmudug, sida amniga iyo iyo taageerada Qaramada Midoobay ay siineyso Galmudug sanadkan 2021, taas oo isugu jirta mid siyaasadeed iyo mid horumarineed.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo xubno kale oo qeyb ah wafdiga la socday James ayaa goobjoog ka ah kulanka u socda labada dhinac, kaasi oo ka dhacaya Xarunta Madaxtooyada Magaalada Dhuusamareeb.

Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jirta in xal laga gaaro is mari waaga doorashada, iyadoo cadaadis ku saareysa dhinacyada kala duwan inay wada hadal yeeshaan, waxaana xusid mudan in dadaalada uu qeyb ka yahay Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Taliyihii Sirdoonka Yuhuuda Oo Xilka Laga Qaaday Ka Dib Markii Ay Diyaarada Drone-ta Iraan Dulmartay Isreal

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Shir Ka Yeelanaya Xaaladda Dalka Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Fariin Raali Galin Ah Diray Iyo Cida Uu Udiray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More