Masuul Ka Tirgasan Maamulka Jubaland Oo Lagu Dilay Magaalada Kismaayo

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa ku warramaya in goordhweyd ay dilal ka dhaceen Magaaladaasi, waxaana soo baxaya warar is khilaafsan oo ku aaddan dilalkaasi ka dhacay kismaayo.

Waxaa la sheegaya in magaalada kismaayo lagu dilay dhowr qof oo isugu jira dad shacab ah iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana dadka caawa Kismayo lagu dilay ka mid ah ah Maareeyihii dekadda Kismaayo, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cawil Cali Barre (Cawil Buluq), waxaana lasoo sheegayaa warar kala duwan oo ku aaddan dilka Mas’uul kaasi.

Marxuumka ayaa la sheegay in ay dileen Ciidan isugu jira Nabad sugid iyo Boolis, waxaana la sheegay in markii hore uu dhaawac culus soo gaaray, kadibna Isbitaalka loola cararay, halkaasi uu ugu dambeytii ku geeriyooday marxuumku
Sidoo kale waxaa jira warar tilmaamaya in uu ku dhintay Israsaaseyn dhex-martay Ciidamo ka wada tirsan Jubbaland, waxaana sidoo kale dhintay labo ruux oo kale oo ku baxay gacanta ciidanka sida la sheegay.

Dadka kale ee la dilay ayaan ilaa hadda wax xog ah laga helin, waxana dad goobjoogayaal ah ay soo sheegayaan in tirada guud ee dadka la dilay ay tahay Seddex ruux oo uu ku jiro Maareeyihii dekadda Kismaayo

Xafiiska Wararka BoramaMews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Ruushka Oo Shaacisay In Wajigii 1aad Ee Dagaalka Ruushka Ay Soo Gabgabaysay

Bnnstaff Bnnstaff

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan Soo Bandhigay Sida Loo Soo Kala Xulayo Murashaxiinta Wakiilada Iyo Deegaanka

Bnnstaff Bnnstaff

Qarax Ka Dhacay Duleedka Jowhar Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More