Borama News Network

Madaxwaynaha Turkiga oo ku hanjabay Tallaabo deg deg ah Hadii Suuriya Lagakala Jaro

Madaxweynaha Turkiga , Recep Tayyip Erdogan wuxuu ku hanjabay inuu Turkiga qaadi doono tallaabo deg deg ah oo militari haddii la isku dayo in la kala qeybiyo Suuriya , gaar ahaan meelaha ay maamullan kooxda kurdida ee ciidanka dimuqraadiga Suuriya ee SDF, isagoo markaa carabka ku adkeeyay inuu Turkiga awood u leeyahay inuu si dhab ah u qaado tallaabooyin ka hor tag ah , iyadoo markaa ujeddadu tahay in laga hortago iskudayga argagixisada ee soohdinta koonfureed ee Turkiga.

Erdogan Wuxuu ku celiayay aragtida Turkiga ee ah in kooxda YPG oo ah koox ka tirsan SDF, ay yihiin urur argagixiso oo xiriir la leh xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK, oo weerarro ka geysta gudaha Turkiga .

Hadalka Erdogan wuxuu yimid kaddib markii shalay uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda , Hakan Fidan in waddamada galbeedka ay isku dayayaan inay kooxaha argagixisada u adeegsadaan khalkhal-gelinta amniga Turkiga.

  1. Ankara waxay si adag u diiddan tahay inay is maamul noqdaan kurdiyiinta Suuriya ee ku sugan meel aan ka fogeyn xadka Turkiga , waxaana Turkiga iyo dawladda Suuriya ee cusub ay ka soo horjeedaan is maamul kasta oo gudaha Suuriya , ujeeddaduna waa in guud ahaan Suuriya looga arrimiyo Dimishiq , halka ciidanka militariga Suuriyana la geynayo soohdin kasta oo ay ku jirto xadka Turkiga

Related posts

“Madaxweynaha Dawlad Degaanku Sidii hogaamiye kooxeed oo kale ayuu u dhaqmay”Siyaasi Nuuradiin Diini

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliya Waali Ayay Ka Qaaday Heshiiskii Ay Somaliland La Gashay Itoobiya” Wasiir Maxamed Kaahin

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Oo Loo Qaybiyay Wax Ka Bedelka Xeerka Doorashooyinka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff