Borama News Network

Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Iiraan Ay Daldashay Ugu Yaraan 901 Qof Sanadkii 2024

Ugu yaraan 901 qof ayaa la sheegay inay Iiraan daldashay sanadkii lasoo dhaafay, waxaana ka mid ah 40 hal toddobaad gudihiis la dilay bishii December, sida uu sheegay madaxa xuquuqda bani’aadannimada QM.

“Waa wax aad dadka u dhibaya haddana weli waxaan aragnaa kororka tirade dilka lagu xukumo Iiraan sanad ka sanad,” ayuu yiri Volker Türk.

Wadarta guud waa tii ugu badneyd ee la diwaan-geliyo muddo sagaal sano ah waxayna tusaale u tahay koror 6% ah laga soo bilaabo sanadkii 2023, markaas oo 853 la daldalay.

Inta badan dadka ayaa loo daldalay dembiyo la xiriira daroogo, balse mucaaradka iyo dadka lala xiriiriyay dibad-baxyadii 2022 ayaa sidoo kale la dilay, sida ay sheegtay QM. Waxaa sidoo kale soo kordhaya tirada haweenka la daldalay.

Related posts

Heer Kulka Dalka Cumaan Oo Gaadhay Halkii Ugu Saraysay Oo Ah 50 Digrii Iyo Digniino Loo Diray Bulshada

Abdiaziz Bnnstaff

24 Saac Ka Dib Waxaa Lagu Guulaystay Helitaanka Maydki Wiilkii Ay Shalay Uu Liqay Dhaamka Biyaha Ee Degmada Dila

Abdiaziz Bnnstaff

“Soomaaliya dabin ayay rabtaa in ay inoo dhigto ee ilmada yaxaaska ha ku Dagmina” Siyaasi Cali Waran-cade

Abdiaziz Bnnstaff