Borama News Network

Los Angeles oo xaalad caafimaad oo degdeg ah looga dhawaaqay

Maamulka Los Angeles ayaa xaalad caafimaad oo degdeg ah ku dhawaaqay sababo la xiriira tayada hawada oo aad u liidata, iyadoo dabka iyo qiiqa ay hareereen aaggaasi.

Waaxda Caafimaadka LA ayaa war ay soo saartay ku dhawaaqday xaaladdan, iyadoo dabka iyo dabeylaha xooggan ay sii faafayaan, kuwaasoo caafimaadka bulshada khatar geliyay, sida ay waaxdu sheegtay.

Maamulka ayaa intaa ku daray in dabka uu dadka deegaanka ka saaray guryahooda, isagoo sidoo kale khalkhal geliyay dadaalka kooxaha gargaarka.

Dadka ayaa lagula taliyay inaysan guryahooda ka bixin, daaqadaha iyo albaabbadana ay xirtaan ayna isticmaalaan mukeyf.

Related posts

Madaxweynaha FIFA Infantino & Tababarihii hore ee Arsenal Wenger maxay ka dhaxeen Kubadda Cagta Soomaaliya?

Abdiaziz Bnnstaff

Faahfaahin ka soo baxaysa weerar dalxiisayaal lagu laayay oo ka dhacay dalka Hindiya

Abdiaziz Bnnstaff

Reer Awdal Iyo Kulmiye Way Is Barteen Madaxwayne Daahir Rayaalena” Siyaasi Axmed Muumin Seed Oo Si Adag Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff