Borama News Network

Faahfaahino Ka Soo Baxaya Qarax Xalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa soo saaray war-saxaafadeed, taas oo ay ku sheegeen in bulshada iyo saxaafaddaba ay ku wargelinayaan in aysan khatar amni ka jirin caasimadda Soomaaliya ee Muqdsiho.

Waxay sheegeen in kooxaha argagaxisada ay isku dayeen inay abuuraan cabsi, iyagoo miinooyin ay been abuur ku tilmaameen ku dhajiyay xarun ganacsi oo ku taala degmada Daarusalaam.

Taliska booliska ayaa sheegay inay xaqiijiyeen in miinooyinkaas ay ahaayeen kuwa aan wax khatar ah geysan.

Dhanka khasaarahana, waxay war saxaafadeedka ku sheegeen in aysan jirin khasaare nafeed ama nantiyeed oo ka dhashay weerarkaa.

Waxay sheegeen in ciidanka booliska ay si degdeg ah ugu hor tageen dhacdadaas,isla markaana qaaday tallaabooyin lagama maarmaan ah oo lagu xaqiijinayo amniga iyo kalsoonida bulshada.

Taliska booliska ayaa ugu dambeyn ugu baaqayaa shacabka inay nabadda kala shaqeeyaan ciidamada amniga, ayna ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah ee lagu qalqal galinayo bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Mustafa Cagjar: “Waxbarasho Iyo Macallimiin la baddelay ma jiraan balse Imtixaankii ayaa la adkeeyay”

Abdiaziz Bnnstaff

Baadhihii Kiiska Ninka Xaaskiisa Gubay Oo La Waydiiyay Su’aalo Iyo Waxyaabihii Uu Ku Soo Arkay Goobta Dhacdada

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Ciidamo Ka Tirsan Kumaandooska Danab Oo Dhoolatus Kaga Soo Qayb Qaatay Dalka Dibadiisa.

Abdiaziz Bnnstaff