Borama News Network

Raysal Wasaaraha Israa’iil oo sheegay in dib loo dhigay dhaqan-galka heshiiska xabbad-joojinta Qasa

Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dhaqan-galka heshiiska xabbad-joojinta Qasa dib loo dhigay ilaa ay Xamaas kasoo bandhigeyso liiska dadka ay heystaan.

War kasoo baxay xafiiskiisa ayuu ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ku amray inaysan bilaabin xabbad-joojinta, oo lagu waday inay dhaqan-gasho saakay abbaaro 8:30 waqtiga gudaha (06:30 GMT).

Xamaas ayaa sheegtay in dib u dhaca ay sabab u yihiin “sababo farsamo”.

Hoggaamiyaha Israa’iil ayaa xalay ka digay in wejiga ugu horreeya ee heshiiska lagu joojinayo dagaalka Qasa uu ahaa “xabbad-joojin ku meel gaar ah”, isla markaana ay Israa’iil leedahay xaqa ah inay dagaalka dib u billowdo, iyadoo Mareykanku taageerayo, haddii la jebiyo.

Related posts

Madaxwayne Xasan Sheekh Iyo Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Kulan Fool Ah Yeelanaya Ka Dib Xiisada Ka Dhalatay Heshiiskii Itoobiya Iyo Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

“Soo Dhawayntii Maxamed Abiib Soo Dhawayntiisa Calamadii Waxaa Lagu Bedelay Caleemo Qoyan” Aqoonyahan Ismaciil Aadan Miicaada

Abdiaziz Bnnstaff

Muxuu Salka Ku Hayaa Safarka Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Ee Dalka Turkiga Uu Ku Tegayo

Abdiaziz Bnnstaff