Borama News Network

Safarka Axmed Madoobe ee Nairobi ma abuuri karaa khilaaf ka dhex dhasha Soomaaliya Iyo Kenya?

Safarka Madaxweynaha dib u doorashadiisa diiday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu ku tagay Magaalada Nairobi ayaa abuuray buuq ka dhex dhashay Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa warqad cabasho & canaaan isugu darsan u dirtay Danjiraha Kenya ee Muqdisho si uu usoo caddeeyo sababta keentay in diyaarad dalkiisa laga leeyahay bilaa fasax ay Kismaayo u tagto.

Danjire Kubai Iningo ayaa la sheegay in uu jawaabta warqadda hortaalla uu ka sugayo Madaxda Dalkaas iyada oo xiisadda Dowladaha Soomaaliya & Kenya ay u muuqato in ay marqura kacsaday saacadihii lasoo dhaafay lagana sugayo jawaab maangal ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Kenya ka dalbatay in ay caddeyn dhammeystiran oo degdeg ah ka bixiso xadgudubka dhinaca Hawada ah ee Diyaaradda Kenyaanku leeyihiin ay sameysay iyada oo qaadday Madaxweyne Axmed Madoobe.

Kenya oo kol hore meel ka istaagtay khilaafka Dowladda dhexe ee Federaalka iyo Maamul Goboleedka Hoostaga ee Jubbaland ayaa markaan u muuqata in ay dhexda kasoo gashay iyada oo warcelin dhab ah laga sugayo.

Hadda, Kenya miyay Soomaaliya la wadaagi doontaa caddeymo ay ku qanacdo oo la xiriirta safarka Axmed Madoobe ee Nairobi

Related posts

“Itoobiya Xassan Sheekh Xilka Way Ka Qaadaysaa, ” Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami Oo Si Adag u Hadlay.

Abdiaziz Bnnstaff

Iran oo cunaqabatayn la saaray ka dib weerar dhinaca Internerka ah oo ay ku qaadeen Maraykanka

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidamada Dowladda Federaalka oo dhaqdhaqaaq Ciidan oo ka dhana ah ‘AS’ kawada Gobolka Galgaduud

Abdiaziz Bnnstaff