Nin Kufsi Iyo Dil U Geystay Gabar Yar Oo 8-Sanno Jir Ah Oo Gacanta Lagu Dhigay

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa Nin fal isugu jiray kufsi iyo dil Gabar yar oo kamid aheyd dadka deegaanka ugu geystay deegaanka Calamada ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Qaar kamid ah Ehelada gabadha oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in gabadha la kufsaday, kadibna Ninkii falkaas ka dambeeyay uu gabadha oo 8 sanno jir aheyd dal-dalay, sidaasina ay ku geeriyootay.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa saacadihii lasoo dhaafay sameeyay howlgal culus oo lagu baadi goobayay Ninkii kufsiga iyo dilka geystay, iyagoona gacanta kusoo dhigay.

Eedeysanaha ayaa waxaa la keenay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, isla markaana waxaa lagu xiray Xarunta Hay’adda dembi baarista ah ee CID-da, iyadoona la tilmaamay in Ninkaas sharciga la marsiin doono.

Dadka deegaanka Calamada ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa aad u hadal haaya dhacdada aadka u foosha xun ee halkaas ka dhacday laguna kufsaday Gabar oo 8 sanno jir aheyd, waxaana horey deegaano ka tirsan dalka uga dhacay falkaan oo kale.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Muuse Biixi Oo Maanta Dhex Lugeeyay Wadooyinka Magaalada Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

Madasha Badbaado Qaran Oo Warqad Baaq Ah U Dirtay Golaha Amniga Ee Midowga Africa

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Wadani Oo Sheegay In Uu Dacwad Ka Gudbinayo Shirkada Traffic Gura Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More