Borama News Network

Cudur La Mid Ah Ebola Oo Ka Dilaacay Dalka Tanzaniya Iyo Madaxwaynaha Dalkaasi Oo Ka Hadashay

Madaxweynaha dalka Tanzaniya ayaa ku dhawaaqday in uu ka dilaacay dalkeeda Fayraska Marburg oo ah fayras la mid ah Ebola, todobaad uun ka dib markii wasiirkeeda caafimaadka ay beenisay in dalkaasi cudurku uu ka jiro.

Madaxweyne Saamiya Suluhu Xasan ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay Isniintii ku sheegtay in mas’uuliyiinta caafimaadka ay xaqiijiyeen hal kiis oo laga helay gobolka waqooyi-galbeed ee Kagera.

“Waxaan ku kalsoonnahay inaan ka gudbi doono caqabadan mar kale,” ayay tiri Saamiya, iyadoo tixraacaysa cudur horay uga dillaacay Tansaaniya laba sano ka hor.

14-kii Jannaayo, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka warbixiyey shaki laga qabo in Marburg uu ka dillaacay waddanka, iyada oo diiwaangelisay sagaal xaaladood oo looga shakisan yahay iyo siddeed dhimasho ah shan maalmood gudahood.

Laakin wasiirka caafimaadka Tanzaniya Jenista Mhagama ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ka dib markii la baaray, dhammaan dadkii looga shakisanaa fayraska Marburg aan laga helin.

Related posts

Ciidanka Itoobiya Oo Bandoo Ka Dhaqan Galiyay Degmada Doolaw Ee Xuduudka Somaliya Iyo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh”Qof wax qabtay ayaa wax qalda ee nin gurigiisa jiifa wax ma qaban”

Abdiaziz Bnnstaff

Suldaan Saciid Axmed oo loo magacaabay Ergayga gaarka ah ee arrimaha nabadda & dhexdhexaadinta Geeska Afrika

Abdiaziz Bnnstaff