Warsaxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa looga baaqay madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay isugu yimaadaan shir deg deg ah, si loo xaliyo arrimaha hortaagan doorashada.
Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in ay muhiim tahay in madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay shir deg deg ah isugu yimaadaan Muqdisho 30 bishan Janaayo.
Puntland iyo Jubbaland waxay tilmaameen in ay diyaar u yihiin, sidii dalka uga dhici lahayd doorasho loo dhanyahay oo lagu kalsoonaan karo.
Sidoo kale Puntand iyo Jubbaland ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ay gacan ka geytsaan badbaadinta Soomaaliya, haddii bay yiraahdeen la gaaro 8-da Feebaraayo, iyadoo aan laga heshiis doorashada.