Khasaaro ka dhashay weerar bambaano oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Weerarkaasi bambaano ayaa waxaa xalay lagu qaaday Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ku leeyihiin degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Goobta weerarka Bambaano lagu qaaday ayaa waxaa ay ku taal dhanka galbeed wadada aada magaalada Beydhabo ee xarunta Gobolka Baay, waxaana daka ugu badan ee wax ku noqday ay yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.

Gooboogayaal ayaa waxaa ay sheegen in ilaa Shan askari oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed oo ku sugnaa Barta-koontorool, isla markaana weerarka kadib la maqlay rasaas farabadan oo ciidamada ay rideen.

Askarta ku dhaawacantay weerarkaasi bambaano ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka degmada Walanweyn si loogu daweeyo, waxana la sheegay in weerarkasi kadib ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ay sameeyeen howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay weerarkaas.

Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa kajiray xaalado amn I darro oo ay ugu weyn tahay dagaalo laba maleeshiyo Beeleed ku dhex-maray Gudaha iyo daafaha degmada Walanweyn.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Muuse Haddii Uu Sharciga Ka Talaabsado, Isaguna Maamuus Madaxwayne Yeelan Maayo” Guddoomiye Xirsi.

Bnnstaff Bnnstaff

Milatariga Dalka Burkina Faso Oo La Sheegay In Ay Xabsiga Dhigeen Madaxwaynihii Dalkaasi Ee Roch Kabore O

Bnnstaff Bnnstaff

Beesha Caalamka Oo Soo Dhawaysay Mudaynta Doorashooyinka Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More