Ururka Jaamacadda Carabta Oo Ku Baaqay Kulan Deg Deg Ah Oo Looga Hadlayo Arrimaha Waddamada Carabta Iyo Falastiin

Sida ay baahisay wakaaladda wararka Masar ee MENA, Ururka Jaamacadda Carabta ayaa 8-da bisha soo socota ee Febraayo qaban doona kulan degdeg ah oo looga arrinsano arrimo badan oo ku soo kordhay waddamamda Carabta sida midnimada iyo horumarka dalalka Carabta iyo taageeridda Falastiin.

Kaaliyaha xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta Xosam Zaki, ayaa sheegay in kulankan degdegga ay codsadeen waddamada Masar iyo Jordan

Waxa uu sheegay in kulanka si weyn diiradda loogu saari doono guud ahaan qadiyadaha waddamada Carabta ee gobalka iyo arrimaha ammaanka.
Sidoo kale kulanka degdgga waxa lagu lafaguri doonaa xoojinta midnimada waddamada Carabta in garab istaaga Falastiin iyo in ay noqdaan dowlad la aqoonsan yahay.

Horaantii bishan, xukuumadda Qaahira ayaa qabatay kulan ay ka qeybgaleen wasiirkadda arrimaha dibadda Jermalka, Jordan iyo Faransiiska kaasoo looga hadlayay nabadda bariga dhexe iyo sidii loo xoojin lahaa.

Dowladda Masaar ayaa kulankaas ka sheegtay in Falastiin ay yeelato dowlad taasoo ka arrimisa Daanta Galbeed, Gaza iyo caafimaad u ah magaalada Qudus.

Waxaana ay xustay in mushkiladda kaliya ee lagu xallin karo qadiyadda Falastiin ay tahay in dhabbahaas la qaado

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

” Shaqadii Wasaarada Ciyaaruhu Waxay Gashay Mugdi Iyo Cagajiid” Xoghayaha Ciyaaraha Xisbiga Wadani

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Xamse Iyo Wasiirka Difaaca Kenya Oo Ka Shiray Dib U Furista Xuduudka Labada Dal

Bnnstaff Bnnstaff

Olole Balaadhan Oo Lagaga Hortegayo Cudurka Kansarka Oo Laga Bilaabay Deegaanka Somalida Ee Itoobiya

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More