Borama News Network

Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay nin boorso ku sitay hilbaha xaaskiisa oo googo’an

Booliska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in uu boorso ku sitay qeyb ka mid ah jir bini adan oo go’ay, iyadoo uu sheegay in ay ahayd xaaskiisa.

Xariga ayaa ka dhacay degmo ku taal bariga magaalada Nairobi markii ciidamada ilaalada ahaa ay ninkan ka shakiyeen inuu watay wax sharci darro ah. Su’aalo kooban ka dib, waxa uu booliska u kexeeyay gurigiisa, halkaas oo ay ka heleen mindi iyo qaybo kamid ah jir googo,ay oo ku jira sariir hoosteeda.

Eedeysanaha ayaa la soo taagay Maxkamad.

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo xadgudubyada ka dhaca gudaha Kenya, iyadoo hay’adda xuquuqul insaanka ay sheegtay in ku dhawaad ​​boqol haween ah la dilay saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

Related posts

“Waan u hambalyeynayaa Walaalaha Soomaaliland oo doorasho u dareeri-doona “Madaxwayne Xasan Sheekh

Abdiaziz Bnnstaff

DAAWO: Muuqaal Ay Duubtay CCTV Ee Qaraxii Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Cudurka Daacuunka Oo Ka Dilaacay Dalka Sudan Iyo Ku Dhawaad 100 Qof Oo U Dhintay Xanuunkaasi

Abdiaziz Bnnstaff