Wiil 16 sano jir ah ayaa lagu xiray Singapore isagoo sida la sheegay qorsheynayay in sanad-guurada weerarradii Christchurch uu dilo Muslimiinta labo masaajid.
Wiilkan oo sida uu sheegay dhiirrigelin ka helay Brenton Tarrant oo ah ninkii dadka badan ku dilay Christchurch, ayaa la sheegay inuu qorsheynayay inuu toorrey la dhaco Muslimiin isla markaana uu si toos ah u duubo.
Waa qofkii ugu yaraa ee la xiro iyadoo la adeegsanayo Sharciga Ammaanka Gudaha, oo oggolaanaya in qofka la xiro iyadoo aan maxkamad la soo taagin.
Weerarkii Christchurch wuxuu ahaa kii ugu xumaa ee soo mara taariikhda New Zealand.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com