Borama News Network

Ilhaan Cumar oo sheegtay in ay diidan tahay siyaasadda qalafsan ee Donald Trump

Xildhibaan Ilhaan Cabdullaahi Cumar oo asal ahaan kasoo eeda Soomaaliya ayaa si cad uga hor timid tallaabooyin uu qaaday Madaxweynaha 47aad ee Dalka Maraykanka Donald Trump oo qaarkood si toos ah uga hor imaanaya Dastuurka.

Ilhaan Cumar ayaa diidmo culus kala hortagtay isku dayga Donald Trump ee ah in uu dhalashada u diido Carruurta Maraykanka ay ku dhalaan dadka sida sharci darrada ah ku galay Dalkaas, tallaabadaas ayay xustay in ay si toos ah uga hor imaaneyso Dastuurka Dalkaas.

Waxa ay ku goodisay in Baarlamaanka ay dhex geyneyso mooshin ama soo jeedin ay u raadineyso taageero si looga hortago khatarta uu ku dhaqaaqayo Madaxweynaha ay is hayaan ee Donald Trump sida ay hadalka u dhigtay Ilhaan Cumar.

Joojinta Barnaamijka dib u dejinta Qaxootiga Maraykanka ee uu diidan yahay Donald Trump ayay saluugtay, waxa ay sheegtay in dadka soogalootiga ah loo baahan yahay in la mariyo nidaam dan ama maslaxo u ah Dalkaas balse aan lagu fududaan in la joojiyo.

Xildhibaan Ilhaan ayaa shaacisay in ay diidi doonto wax weliba oo kahor imaanaya Dastuurka Maraykanka ama ka dhan ah Horumarka laga sameeyay sinnaan la’aanta, waxa ay carrabka ku adkeysay in ay diideyso siyaasadda qalafsan ee Madaxweyne Donald Trump.

Related posts

Daawo:- Dagaalka daahsoon Ee u Dhexeeya Lacagta Doolarka Ah Iyo Lacagta Shiinaha! Yaa Ku Adkaan Doonna

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweynaha maamulka Falastiin oo Xamaas ugu baaqay in ay sii daayaan la haystayaasha Israa’iil kana tanaasulaan mas’uuliyadda Marinka Qasa

Abdiaziz Bnnstaff

Kumanaan qof oo laga cabsi qabo inay ku dhinteen duufaanta ku dhufatay Mayotte

Abdiaziz Bnnstaff