Borama News Network

Dalalka Niger, Mali Iyo Burkina Faso Oo Ka Baxay Ururka ECOWAS

Urur goboleedka Galbeedka Africa ee loo soo gaabsho ECOWAS ayaa si rasmi ah u aqoonsaday ka bixisti ay ururka isaga baxeen dowladaha Niger, Mali, iyo Burkina Faso, kaddib muddo sannad ah oo qalalaaso diblamaasiyeed ah.

Bayaan Arbacadi kasoo baxay Ururka Bulshada Dhaqaalaha ee ECOWAS ayaa lagu xaqiijiyay tallaabadan, waxana tani ay muujineysa in isbaddal weyni ku dhacay diblamaasiyadda mandiqadda galbeedka Africa.

Hase yeeshee ECOWAS ayaa ku borrisay 12-ka dowladdood ee hadda ururka ku haray, in ay sii wadaan aqoonsiga baasaboorrada dowladaha isaga baxay ururka iyo in aysan jarin calaaqadooda wax is weydaarsiga ganacsi ee dalalkaasi, ilaa amar danbe.

Bayaan ayaa sidoo kale lagu sheegay, in guddigu uu dalalka Mali, Niger iyo Burkina Faso ku casuumay kulan farsamo, isla markaana ay mar walba soo dhaweynayaan dib ugu soo laabashada ururka.

Xiriirka ECOWAS iyo saddaxda dal ayaa xumaaday, kaddib marki afganbi xakunka looga tuuray madaxweynihi hore ee Niger Maxamed Baazuum bishii July ee sannadki 2023. Ururka ayaa markaas dalbaday in Baazuum talada dib loogu soo celiyay haddii kalana ay sameyn doonaan fara-gelin millatari.

Niger, Mali iyo Burkina Faso ayaa arrintaasi uga jawaabay ka bixisti ay isaga baxeen urur goboleedka ECOWAS. Waxay taasi baddalkeeda ku dhawaaqeen gaashaanbuur ay ugu magac-dareen Isbaheysiga Saaxil, iyaga oo xiriir dhow la sameystay dowladaha Ruushka, Turkiga iyo Iran.

Related posts

Nasrallah: “Meel Israel ka mid ah kama badbaadi doonto gantaalladeena

Abdiaziz Bnnstaff

“Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisu may ahayn inay ummadda hor yimaadaan” Musharax Cirro

Abdiaziz Bnnstaff

Urur gobaleedka IGAD oo cambaareeyey weerarkii ka dhacay Xeebta Liido

Abdiaziz Bnnstaff