Borama News Network

Madaxweynaha Congo DRC Oo Diiday In Ay Ka Qeyb Galaan Dadaallada Nabaddeynta Dalkaasi

Madaxweynaha Congo DRC, Félix Tshisekedi, ayaa diiday dadaallada la filayo in wada hadal lagu dhammeeyo dagaallada ka taagan dalkaasi, kuwaasi oo ay wadaan madaxda heer gobol.

Dadaallada ayaa waxaa la doonayaa in lagu dhammeeyo dagaalka ka taagan gudaha magaalada Goma iyo sidii loo joojin lahaa Maleeshiyaadka M23 ee ku faafaya bariga dalkaasi Goma.

Hoggaamiyaha Kenya, William Ruto ayaa ku casuumay Tshisekedi iyo dhiggiisa Rwanda Paul Kagame shir madaxeed looga hadlay xaaladda Congo.

Afhayeen u hadlay dowladda Rwanda, Yolande Makolo ayaa sheegay in ay ka qeyb galayaan shir madaxeedka, balse ma uusan sheegin in Kagame uu ka qeyb galayo iyo in kale.

Rwanda ayaa lagu eedeeyaa in ay taageerto jabhadda M23 oo la wareegtay inta badan magaalada Goma oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha.

QM ayaa sheegtay in ay jiraan cadeymo badan oo muujinaya in Rwanda ay taageerto M23 balse Rwanda ayaa diiday in ay jabhadda siiso taageero militari oo toos ah.

Related posts

Midawga Yurub Oo Si Adag Uga Soo Horjeestay Heshiiska Bada Ee Dhex Maray Somaliland Iyo Dowlada Itobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiga Wadani Oo Sheegay In Mashruuciu Diyaaraha Ee Xukuumadu Soo Bandhigtay Uu Fashilmay Qof Shacab Ahna Lahaa Diyaaradahaasi

Abdiaziz Bnnstaff

16 Qof Oo Turki Ah Ayaa Is Qalay Halkii Ay Xoolo Ka Qali Lahayeen Ciidal Adxada Iyo Sababta Keentay Arintaasi

Abdiaziz Bnnstaff