Dowlada Kenya Oo Shaacisay Cidda Iska Leh Go’aanka Ciidankeeda Looga Saariyo Soomaaliya.

Dowladda Kenya oo ka jawaabeysa wararka sheegaya in Soomaaliya dalbatay in ciidamadeeda laga saaro gudaha Soomaaliya ayaa shaacisay in go’aan lagu saarayo ciidamo qeyb ka ah Midowga Afrika ee AMISOM aysan laheyn iyagu.
Wasiirka gaashaandhigga Kenya Monica Juma ayaa “In Ciidamada Kenya ka baxaan Soomaaliya xilligaan ma go’aamin karno waa in uu ka yimaadaa Midowga Afrika, mana ahan mid quseeya xiriirka xumaaday ee labada dal.”
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegtay xiriirka xumaaday ee dowladda Soomaaliya ay jartay aysan wax saameyn ah ku yeelada doonin go’aanka ciidamada AMISOM ay ku joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ay qeyb ka yihiin ciidamada Kenya.
Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Munica ayaa sidoo kale sheegtay in go’aanka kama dambeysta ah ee ciidamada Kenya looga saarayo Soomaaliya ay waajib tahay inay qaraar ku ansixiso Qaramada Midoobay.
Qiyaastii 3-kun oo askari oo Kenyaan ah ayaa qeyb ka ah ciidamada AMISOM ee jooga gudaha Soomaaliya, kuwaas oo weerarro adag kala kulma Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Koonfur Afrika Oo Hakisay Tallaalka Oxford-AstraZeneca Ee CoronaVirus Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Dube Oo Shaaciyay In Ergo Loo Diray Deni Iyo Axmed Madoobe Oo Wali Ka Maqan Shirka Afisyooni

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Ruushka Oo U Yeedhatay Safiirkeeda Dalka Maraykanka Xili Ay Hanjabaad Ka Soo Yeedhay Joe Biden

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More