Borama News Network

Ilhaan Cumar “Trump waxa uu doonayaa in uu noqdo Kaligii Taliye”

Xildhibaan Ilhaan Cabdullaahi Cumar ayaa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump dhaliil culus kala duldhacday iyada oo ku eedeysay in uu hayo dhabbaha kaligii talisnimada taasina ay halis ku tahay mustaqbalka Dalkaas.

Waxa ay wax laga xumaado ku tilmaamtay in maalintii koowaad ee xil hayntiisa uu faraha la galay khalalaase dhanka Dastuurka kaddib markii uu si cad meel isaga dhigay qodobka qeexaya in carruurta ku dhalata Dalkaas ay yihiin muwaadiniin.

Elon Musk ayay kusoo dartay xubnaha ay sida tooska ah eedaha ay ugu jeedineyso, waxa ay ku weerartay in ay doonayaan hannan dhinac marsan Dastuurka Dalkaas si ay jiho kale ugu jeediyaan Ameerika sida ay hadalka u dhigtay.

“Runtii waa maalin murugo badan in la arko khalaasaha dhinaca Dastuurka ah ee Doanlad Trump galay maalintii koowaad ee xil heyntiisa, Trump waxa uu doonaya in uu noqdo Kaligii Taliye, Trump & Elon Musk waxa ay doonayaan in ay maquuniyaan Dastuurka.” Ayuu tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar

Dagaalka afka ah ee Donald Trump iyo Ilhaan Cumar ma ahan mid soo billowday muddo xileedkiisii hore, xiligii ololaha Doorashada uu ku jiray & muddadii uu bannaanka joogga ka ahaa siyaasadda sidaan oo kale ayay eedaha isku dhaafsanayeen.

Related posts

Heshiisyada ay kala saxiixdeen Soomaaliya & Kenya muxuu kusoo kordhin karaa cilaaqaadka labada Dal?

Ruushka oo bam ku dhiftay guri ku yaalla Kharkiv Iyo Tarada Dadka Ku Dhintay Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff

Xuutiyiinta Dalka Yeman Oo Ku Dhawaaqay In Ay Awood U Leeyihiin Qaadiska Weeraro Culus Oo Ay Ku Burburiyaan Maraakiibta Waawayn

Abdiaziz Bnnstaff