Borama News Network

Jarmalka Iyo Faransiiska oo si adag uga hadlay raridda Falastiiniyiinta

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa isku dayaya inuu caddeeyo qorshaha Madaxweyne Trump ee ku aaddan in Mareykanku la wareego Qaza, isla markaana uu meesha ka saaro shacabka Falastiiniyiinta.

Afhayeen u hadashay Aqalka Cad ayaa sheegtay in madaxweynaha ay ka go’an tahay dib-u-dhiska Qaza, taas oo si KMG ah loo “rarayo shacabka halkaas ku nool”, inkasta oo Mr. Trump uu hore u sheegay in barakicintu noqon doonto mid abadiya ah.

Jarmalka ayaa ka mid ah dalalka waaweyn ee Yurub ee ka hor yimid qorshaha Trump. Wasiirka arrimaha dibadda Annalena Baerbock waxay sheegtay in qorshaha ah laba dal uu yahay dhabbaha kaliya ee lagu xaqiijin karo in Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiintu ay nabad iyo Sharaf ku wada noolaadaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska waxay sheegtay in in barakicinta khasabka ah ee shacabka Qasa “ay noqonayso xadgudub weyn oo loo geystay shuruucda caalamiga ah”. Waxay kaloo sheegtay inay caqabad weyn ku noqonayso xalka ah laba dal oo deris ah, ayna Khalkhal gelin doonto deganaanshaha gobolka oo dhan.

Related posts

“ Xeryihii Tobobaradaanu Furaynaa ,Dalka In la difaacana haloo diyaar garoobo..“ Wasiir Maxamed Kaahin

Abdiaziz Bnnstaff

Xog ku aadan qaabka Burcad-badeeda ku qaateen Lacag madax furasho ah oo ay ku daayeen Markabka MV Abdullahi

Abdiaziz Bnnstaff

Murasshax Cabdiraxaan Ciro Oo Si Adag Uga Hadlay Arimaha Doorashooyinka Iyo Heshiiskii Somaliland Iyo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff