Hogaamiyaha Baxsadka Ah Ee Tigrayga Oo Fariin Cusub Soo Diray Iyo Ujeedada Fariintiisa

Wuxu ahaa dagaal yahan hore oo jabhad ah oo ciidamada Itoobiya ka goyn jiray isgaadhsiinta. Debretsion Gebremichael haatanna wuxuu horseed ka yahay dagaal lagaga soo horjeedo xukuumadda Ra’isal Wasaare Abiy Ahmed oo ay ku diririyaan gacan ku haynta gobolka woqooyi ee Tigray oo lagu tilmaamay “ubucda” qarankaas.

Debrestion waa hogaamiyaha xisbiga Xureynta Tigray (TPLF) kaas oo dhowaan laga qabsaday magaalooyiinkiii uu ka taliyayay ee gobolka Tigray, waxayna si lama filaan ah isku seegeen Abiy.

Isaga oo markaas uun guursaday oo ilmo yar dhalay, ayaa Debretsion ka tagay waxbarashadiisii jaamacadda Addis Ababa, sannadkii 1970-aadkii oo uu ku biiray TPFL si uu uga qayb galo dagaalkii 17 sannadood socday ee ururku kula jiray xukunkii Derg-iga ee hogaamiyihii Maarkisiga ahaa ee Mengistu Haile Mariam.

Wuxuu wasiir ka noqday xukuumadda markii talada laga tuuray Derg-gii ee talada ay qabteen isbahaysi xisbiyo TPLF awoodda ugu badan ku lahayd wixii ka horeeyey intaa Abi hogaanka la wareegin 2018.
Saaxiibkii oo ay aad iskugu dhaw yihiin jaalna ahaayeen oo la yidhaa Alemayehu Gezahegn ayaa sheegay in markii labadooduba ay tababar milatari ku dhamaysteen dhulka buuraleyda ah ee Tigray, uu ogaaday kartida farsamo ee saaxiibkii oo isna kula taliyey taliskii TPLF in Debretsion lagu daro ururka “farsamada”.
Alemayehu waxay la ahayd arin maal gal ah in Debretsion lagu daro ururkaas maadama oo uu ahaa qof maskax badan laakiin afgaaban oo “ciyaalo magaalo ah” kuna kacaamay Shire oo haatan ay guul darro wayni ka soo gaadhay hogaamiyaha Tigray maadaama ay ciidamada federaalku ka gacanta ku dhigeen magaaladaas.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“82-Ka Xildhibaan Ee Golahu Waxay Ka Siman Yihiin In Mushaharka Loo Kordhiyo Ciidamada ” Xildhibaan Barkhad Batuun

Bnnstaff Bnnstaff

Macluumaadkii Ugu Dambeeyay Colaada Azerjibaan Iyo Arminiya

Bnnstaff Bnnstaff

Saraakiisha Ciidanka Dalka Sudan Oo Xabsiga Ka Sii Daayey Siyaasiyiin Rayid Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More