Borama News Network

Turkiga oo xusaya sannadguuradii 2aad ee dhulgariirkii ay dadka badan ku dhinteen

Xusas ayaa ka socda Turkiga, kuwaasoo lagu xusayo laba sano ka dib markii uu halkaa ka dhacay dhulgariirkii lagu dhamaaday ee ay ku dhinteen in ka badan 50,000 oo qof.

Dhulgariirka ayaa ku dhuftay koofurta Turkiga saacadihii hore ee aroornimada, kaasoo burburiyey dhismayaal ay dad ku noolaayeen, xilli la jiifay.

Ayadoo haddaba ay laba sano ka soo wareegtay ayaa weli dad lagu qiyaasay nus malyan qof waxay ku nool yihiin meelo KMG ah oo ay ku hoydaan, kuwaasoo la mid ah kontaynarro.Qaar kale waxay ku nool yihiin teendhooyin, ama dhismayaal ay waxyeello weyn gaartay.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku dhaliilay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan inuu ku guuldarraystay inuu ka soo dhalaalo ballanqaadyadii uu doorashada ku galay ee ahaa inuu guryo cusub dhisayo.

Related posts

In Ka Badan 20 Sano Oo Uu Raadinayay Gabadh Uu Guursado, Ugu Danbayn Wuu Helay

Abdiaziz Bnnstaff

Israel Oo Duqeymo Xooggan Ka Fulisay Koonfurta Beirut Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Abdiaziz Bnnstaff

Murashaxa Madaxwayne Ku Xigeen Ee Xisbiga Wadani Oo Ka Hadlay Shirkii UNDP Ee Borama Laga Joojiyay

Abdiaziz Bnnstaff