Borama News Network

Sacuudiga Oo Ka Hor Yimid Soo Jeedinta Israa’iil Ee Ah In Falastiiniyiinta Dhulkooda Laga Raro

Sacuudiga ayaa xaqiijiyay diidmadiisa ku aaddan hadallada Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee ku aaddan in Falastiiniyiinta laga barakiciyo dhulkooda, sida wasaaradda arrimaha dibadda ay ku sheegtay war ay saakay soo saartay.

Saraakiisha Israa’iil ayaa soo keediyay in gobol Falastiiniyiinta leeyihiin laga sameeyo dhulka Sacuudiga.

Netanyahu ayaa wareysi siiyay telefishinka Channel 14 isagoo kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan arrimaha Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Warka Sacuudiga si gaar ah looguma xusin soo jeedinta Netanyahu ee in gobol ay Falastiyiinta leeyihiin laga sameeyo Sacuudiga.

Dhanka kale, Masar iyo Urdun ayaa sidoo kale ka horyimid warka Netanyahu, iyagoo ku sheegay inay tahay faragelin toos ah oo dhulka Sacuudiga ah.

Related posts

Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In La Xaliyay Khilaafkii Urur Siyaasadeedka Hilaac

Abdiaziz Bnnstaff

Xukuumada Madaxwayne Ciro Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamtay Doorashadii Maayirka Gabilay

Abdiaziz Bnnstaff

“Gobalnimadda Gabiley Tii Madaxweynaha Lagu Xumaynayo Ayaa Golaha La Iman Waayey,xildhibaanada…Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye

Abdiaziz Bnnstaff