Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, iyagoona kasoo ambabixi doona Caasimaddaha Magaalooyinkooda.
Madaxda ayaa Dhuusamareeb uga qeyb galaya Shirka Wadatashiga ah ee ku baaqay Madaxweyne Farmaajo oo looga hadli doono xaaladda dalka iyo khilaafka weli ka taagan qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya, kaasi oo Maanta furmaya halkaas.
Shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa sidoo kale looga arrinsan doonaa sida lagu xalin karo khilaafka ka taagan doorashada oo ugu weyn yihiin arrinta Gedo, Guddiyada ee la magacaabay iyo arrinta Xildhibaanada Gobolada Waqooyi.
Madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland, Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, Hirshabeelle, Cali Guudlaawe iyo Puntland Saciid Deni ayaa saacadaha soo socda ee Maanta ka tegi doona Magaalada Dhuusamareeb, si ay uga qeyb galaan Shirka, waxaana soconta qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo.
Beesha Caalamka ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii xal buuxa looga gaari lahaa khilaafka ku hor gudban doorashada, waxaana Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan uu kulamo la qaatay madaxda dowlad Goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo.
Ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa siweyn loo adkeeyay, iyadoona sugida amniga ay iska kaashanayaan laamaha amniga Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com