Afgembi Milateri Oo Ka Dhacay Dalka Myanmar Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Aung San Suu Kyi, oo ah hogaamiyaha xisbiga haya talada dalka Myanmar ee National League for Democracy (NLD), ayaa la xiray, sida uu sheegay Afahayeen u hadlay xisbiga.

Arintan ayaa imaaneysa iyadoo xiisad u dhaxeysa dowladda shacabka iyo militariga ay sii xoojineyso cabsida laga qabo in uu afgembi ka dhaco dalkaas.
Xisbiga NLD, ayaa kuraasta baarlamaanka dalkaas ka helay in ku filan, si uu u soo dhiso xukuumadda bisha November, balse ciidamada ayaa sheegay in codeyntaas ay ahayd mid la musuqmaasuqay.

Ciidanka ayaa dowladda ugu baaqay in ay dib u dhigto kalfadhiga baarlmaanka oo lagu waday in uu qabsoomo maalinta Isniinta.

Afahayeenka xisbiga NLD, Myo Nyunt, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters khadka telefoonka ugu sheegay, in Ms Suu Kyi, madaxweyne Win Myint iyo hogaamiyeyaal kale la qabtay, aroornimadii hore ee saaka.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi “Kenya Kama Yeeli Doono In Ay Noo Adeegsato Soomaaliya”

Bnnstaff Bnnstaff

Taliska Ciidanka Booliska Oo Soo Bandhigay Walxaha Qarxa Iyo Rag Loo Soo Qabtay

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Isbitaalka Digfeer Ee Muqdisho Oo Ka Hadlay Xaaladda Caafimaad Ee Afhayeen Macalimuu

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More