Alshabaab Oo Sheegtay Sobobta Ay Ka Lahaayeen Weerarkii Hotel Afrik Iyo Cidii Ay U Dan Lahaayeen

Al Shabaab ayaa sheegtay in bartilmaameedka koowaad ee weerarka lagu qaaday Huteel Afrik uu ahaa Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo kamid ahaa dadkii shaley ku dhintay weerarkaas.

Waxay sheegeen in janaraalka ay u heysteen weerarro horey Al Shabaab loogu qaaday oo uu kamid ahaa duqeyntii lagu dilay Aadan Xaashi Ceyrow oo ahaa ninkii aasaasay Al Shabaab isla markaana ay ku raadjoogeen muddo 13 sano ah.

1-dii bishii May ee sanadkii 2008- dii ayaa Ceyrow uu Mareykanka ku dilay duqeyn laga fuliyay Dhuusamareeb.

Waxay sidoo kale sheegeen in uu soo abaabulay ciidankii Ahlu Sunna ee Al Shabaab kula dagaallamay gobollada dhexe ee Soomaaliya.

 

Related posts

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Xalay Saqdii Dhexe Booqday Goobtii Qaraxu Ka Dhacay

Bnnstaff Bnnstaff

Qaar Kamid Ah Xafiisyada ONLF Ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Oo La Xidhay Iyo Sobobta Loo Xidhay

Bnnstaff Bnnstaff

“Muuse Biixi Waxaan Leeyahay Somaliland Dhaxal Maaha” Siyaasi Fariin Culus U Diray Muuse Biixi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More